Madaxa ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Naciim Qaasim ayaa sheegay in kooxdooda ay lumisay marinkii ay saadka u marin jireen dalka Suuriya, kadib markii uu afgambiyay madaxweyne Bashaar Al-Asad ku dhawaad todobaad ka hor oo ay weerar ku qaadeen fallaagada.
Xilligii Assad, Xisbullah oo ay Iran taageerto ayaa Suuriya u adeegsan jirtay inay hub iyo qalab kale oo milateri ka soo geliso Iran, iyada oo la sii marinayo Ciraaq iyo Suuriya iyo Lubnaan. Balse 6-dii Diseembar, dagaalyahannada ka soo horjeeda Bashar Asad ayaa qabsaday xadka Ciraaq , waxayna jareen waddadaas, laba maalmood ka dib, fallaagada Islaamiyiinta waxay qabsadeen caasimadda Dimishiq.
“Haa, Xisbullaah waxay lumisay marinkii saadka milatari ee Suuriya marxaladdan” Qassem ayaa ku sheegay khudbad uu telefishanka ka jeediyay maalintii Sabtidii, isagoo aan “Maamulka cusub ayaa imaan kara Suuriya, wadadani waxay ku soo noqon kartaa sidii hore, waxaana raadin karnaa siyaabo kale,” ayuu raaciyay.
Xisbullaah ayaa faragelin ku sameysay dalka Suuriya sanadkii 2013-kii si ay u caawiyaan Bashar Asad dagaalka uu kula jiro fallaagada dooneysay inay xukunka ka tuuraan xilligaas. Toddobaadkii hore, markii ay fallaagadu ku soo dhawaadeen Dimishiq, Xisbullaah waxay soo dirtay saraakiil kormeerayaal ah si ay u kormeeraan ka bixitaanka dagaalyahannadeeda halkaas.
Qassem waxa uu sheegay in Xisbullah “aysan xgo’aan ka qaadan karin ciidamadan cusub ee Suuriya la wareegay ilaa ay xasiliyaan dalka” laakiin waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dadka iyo dawladaha Lubnaan iyo Suuriya ay sii wadayaan iskaashiga.
Waxa kale oo aanu rajaynaynaa ayuu yiri in maamulka cusub ee talada Suuriya la wareegay ay u aqoonsan doonaan Israa’iil cadow, taas oo keeni karta in aan isu soo dhawaano.
Xisbullaah iyo Israa’iil ayaa rasaas isku weydaarsanaayey xadka koonfureed ee Lubnaan muddo ku dhow hal sano kadib weerarkii Qasa , ka hor inta aysan Israa’iil qaadin weerar culus bishii Sebtembar, halkaas oo ay ku dishay inta badan hoggaanka sare ee Xisbullaah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com