Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Furay shirweyne ay ka qeyb galayaan boqolaal ergo

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed kaas oo dalka lagu qabanayo muddo 35 sanno kadib ah.

Shirweynahan waxaa ka qeyb galaya in ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Shirweynaha meertada 15-aad ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya.

Related posts

Beesha caalamka oo loogu baaqay iney qaswade u aqoonsadaan Farmaajo

Caydiid Ali

Toogasho ka dhacday agagaarka xarunta Shirkadda Youtube ee gobolka California (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dadweyne billaabay inay lacagahooda kala baxaan shirkadaha Forex ee Muqdisho

admin
Taboola Ads ---