Wararka ka imaanaya degmada Ceyrigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamo iyo maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Khaatumo State iyo maamulka Somaliland.
Dagaalka ayaa saakay ka socda duleedka iyo gudaha magaalada Ceyrigaabo, waxaana la maqlayaa rasaas iyo hub culus ay dhinacyada is dhaafsanayaan, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka socda.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Khaatumo ee ka dagaallamaya magaalada Ceyrigaabo, ayaa sheegay in saakay ciidamada Somaliland kala wareegeen saldhigyo iyo goobo ay horey u joogeen , ayna hadda wadaan howlgal ay kusii eryanayaan.
Dagaalka ka socda Ceyrigaabo ayaa qarxay shalay oo Sabti aheyd, waxa ayna labada dhinac midbo kan kale ku eedeynayaa masuuliyada dagaalka socda, mana jiraan dedaalo dagaalka socda xal loogu raadinayo oo ilaa hadad si rasmi ah u bilowday.
Degmada Ceyrigaabo ay wada degan yihiin dad kasa kala jeeda deegaannada maamulka Khaatumo iyo Somaliland, ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaallo iyo dilal dad gaar ah lagu beegsanayay, waxaana muddooyyinkii dambe degmadaasi ka jirtay xiisad xooggan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com