Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay nin dhallinyaro shacab ahaa waxa ay ku dileen xaafada Miriqmiriq ee katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, xilli burcada ay ninkan doonayeen in ay ka dhacaan moobeel uu watay.

Ninka dhallinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabayay Cabdi Daahir Cabdulle (Falfaliirshe), ayaa ahaa nin ka shaqeeya baabuurta dhagaxyada dhismaha qaada, waxaana xilliga la dilayay uu ka baxay shaqo, isagoona kusii jeeday gurigiisa.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgalla degmada Dayniile ayaa gaaray goobta lagu dilay ninkan dhallinyarada ah, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgal baaritaanno ah aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Labo habeen kahor ayaa sidan oo kale xaafada loo yaqaan Iga Dabagey ee kutaalla degmada Dayniile waxaa isna lagu dilay wiil shallinyaro ah oo ahaa wade mooto Bajaaj, waxaana wiilkan iyana dilay rag tooreeyo watay, kuwaa oo qaarkood la qabtay lana aqoonsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Sababaha loo baajiyay Shirkii Farmaajo iyo madax goboleedyada & Mareykanka oo diyaarinaya…

admin

Mid kamid ah Fannaaniinta Soomaaliya ugu caansan oo fanka isaga baxday

Cabdi Cade

Maxay tahay qeyla-dhaanta ka soo yeertay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.?

admin
Taboola Ads ---