Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu wuxuu bishii September sannadkii 2019-kii ku qaabbilay magaalada Qudus — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo inta uu kulanka socday usoo bandhigay inay Israa’iil arkayso khatar uga imaan karta badda cas oo ay Iran u adeegsan karto goob ay hubka uga soo gudbiso ururka Xamaas ee marinka Qasa, markaa wuxuu Netanyahu usoo bandhigay Abiy , heshiis amni oo ay qeyb ka tahay in Itoobiya ay tagto badda cas, si meesha looga saaro khatarta ay Israa’iil kala kulmeyso saameynta Iran ee badda cas — waqtigaa wuxuu ahaa xilliga ay ku xoogeysteen badda cas kooxda Xuutiyiinta Yemen oo inta sannadkaa lagu jiray qabsaday dhowr markab iyo doomo ganacsi .
Markiiba si cad Itoobiya , waxay ku dhaqaaqday qorshe uu usoo bandhigay Netanyahu oo siinaya taageerro dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed, tallaabada u horreysa ee Netanyahu waxay ahayd inuu dhisay xiriir adag oo dhexmara Abiy Axmed iyo Amiirka Imaaraadka Carabta , Sh. Maxamed bin-Zayed Al Nahyan, balse bilo kaddib kulanka Qudus , waxay dunidda gashay xaalad go’doon ah uu ka dhalatay cududarka COVID-19 , markii laga soo baxay Covid-19 , wuxuu tagay Abiy Axmed , magaalada Abu Dhabi ee xarunta Imaaraadka Carabta , halkaa oo uu kala kulmay Al Nahyan oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira xoojinta doorka Itoobiya ee dekedda Berbera , marka kaliya ma uusan dooneyn Abiy inay qeyb ka ahaadan maalgashi ee wuxuu raadinayay in sidoo kale uu Imaaraadka maalgeliyo saldhig ciidan, isagoo markaa u sheegaya inuu saldhigga gacan ka siinayo sidii Imaaraadka u weerarri karo kooxda Xuutiyiinta oo Imaaraadku uu dagaal kula jiray, waxaa kalo uu kulanka ku aadday xilli ay Somaliland ku dhawaaqday inuu burburay saamiga Itoobiya ee 19% oo ay ku lahayd dekedda Berbera.
Burburka ku yimid saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera , wuxuu salka ku hayay inaysan Itoobiya fulin arrimaha lagu ballamay oo ay ka mid ahayd hirgelinta horumarinta adeegyada aasaasiga ee suragelinaya in dekedda Berbera lagu xiro aagga ganacsi ee Wajaale, taa oo dekedda Berbera ku xiri kartay suuqa ballaaran ee Itoobiya. Wixii waqtigaa ka dambeeyay ma jirin wax rabitaan ah oo laga arkay Addis Ababa oo ay u qabto adeegsiga dekedda Berbera, waxay sii waday Itoobiya ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti, halka ay Somaliland doonaysay inay Itoobiya horumariso iskaashiga ganacsi ee labada dhinac , iyadoo dekedda Berbera ay noqonayso goob u furan suuqa ganacsi ee Itoobiya , tan oo haddii ay dhici lahayd wax badan ka beddeli lahayd dhaqaalaha Somaliland ee ku tiirsan deeq bixiyaasha caalamiga ah, wallow sannadihii u dambeeyay ay awooday Somaliland inay ballaariso wax soosaarka gudaha oo isbeddel ku sameeyay hannaanka dhaqaalaha.
Kenya , ayaa sidoo kale diyaar u ahayd inay bixiso deked ganacsi oo Itoobiya u suragelinaya inay kala soo degto shixnadaha ganacsi , taa oo ay Nairobi ka dhex arkaysay hab ay uga faa’iideynayso suuqa ballaaran ee ka jira Itoobiya oo aan bad lahayn. Jabuuti ayaa sidoo kale si cad usoo bandhigtay inay diyaar ula tahay Itoobiya inay ku wareejiso deked, halkaa oo ah goob uu ku diyaarsan marinka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Addis, balse Itoobiya baaqa kama jawaabin..! Dabcan waxaa badan suragalnimada inaysan Itoobiya wax rabitaan ah u heyn shixnad la soo dejiyo..! Laakin wax badan ma qaadan , iyadoo Itoobiya aysan ka soo bixin heshiiskii ay qeybta ka ahayd ee dekedda Berbera , waxaa si kadis ah loo maqlay 1 bishiii Jannaayo ee sannadkan 2024, in Addis Ababa ay is afgarad ku kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland , kaasoo la xiriira inay Itoobiya gaarto gacanka cadmeed , halkaa oo ay Itoobiya ka hirgelinayso deked ay maamulkeedu gacanteeda ku jiro iyo saldhig ciidamada badda ah; xasuusnow in Itoobiya wixii ka dambeeyay sannadkii 2019 -kii ay u maalgelisay si aan waqti hore oo kale loo maalgelin ciidankeeda badda , waxayna Itoobiya oo aan lahayn bad leedahay ciidan ka tiri iyo qalab badan dalka iska leh badda ugu dheer gobolka ee Soomaaliya oo ku guul-darraystay inuu dhiso ciidanka badda — inta aan ku jiray baaritaanka arrimaha la xiriira doonista badda ee Itoobiya , kama maqal khudbadihii ay jeediyiin xilliga doorashada saddexda madaxweyne ee Soomaaliya ee kala ah ;Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh muddo xileedkiisii hore , Farmaajo iyo muddo xileedkan oo Villa Somalia uu ku soo laabtay madaxweyne Xasan , wax qorshe ah oo ay ka leeyihiin dhismaha ciidanka badda , muddo 15 sanno ah oo ka soo wareegatay doorashadii Madaxweyne Shariif , kuma aysan guuleysan saddexdan hoggaamiye inay dhisaan ciidanka badda ama ay soo bandhigaan qorshe lagu gaarayo dhismaha ciidanka badda , taa beddelkeeda khataro la abuuray oo ay burcad badeedka ay ka mid ahayd , waxay sabab u noqdeen xaaluf sharci darro ah oo illaa hadda ku socda biyaha Soomaaliya , halka hoggaamiyayaasha siyaasadda ee gobollada xeebaha iyo Federaalka ay hab ganacsi shaqsiyadeed uga faa’iideystaan shatiyada doomaha iyo maraakiibta jiliifka, mar kasta oo laga hadlayo arrimaha badda iyo ka faa’iideysiga badda waa marka si dhammeystiran loo arki karo , wajiga Soomaalida iyo Soomaaliya ..!
Hadda dabcan, waxaan oggaanay inaysan Itoobiya marna niyad u heyn deked ganacsi ee doonisteedu tahay saldhig ciidan, iyadoo u helaysa maalgelin ka imaan karta Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta , midkood , marka natiijada warbixinta waa in nooc kasta oo heshiis aysan ka muuqan waxa ay doonayso Itoobiya ee ah saldhig ciidan, sida is afgaradka Somaliland ee lagu sheego inay ku jirto hirgelinta saldhig ciidan , kaa oo aysan wali haddii xataa uu dhacay is afgarad dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya aysan si cad u sheegin Addis Abab inay ka baxday, markaa ma dhaqangelin doonto Itoobiya nooc kasta oo heshiis ku kooban ganacsiga , sababtoo 2016 waxay heshay dekedda Berbera oo u furnayd inay adeegsato! Hadda si ka badan 2019-kii iyo muhiimad ka ballaaran ayuu Telaabib u leeyahay inay hesho saldhig ciidanka badda oo ku yaalla badda cas , si ay uga howlgallaan sirdoonka iyo diyaaradaheeda — dabcan way ku adkaanaysa inay Israa’iil iyadoo adeegsanaysa magaceeda ay soo degto badda kasta , sabab la xiriirta in weerarro joogta ah uu saldhigga kula kulmi doono Xuutiyiinta iyo Iran , taa beddelkeeda waa inay heshaa Israa’iil dal kale oo halkaa saldhig ku leh si la mid ah saldhigyada khaliijka ee Mareykanka oo lagu sheego kuwa u furan Israa’iil, tan oo jirta waxaa soo baxaysa surtagalnimada inuu Mareykanka doonayo inuu ballaariyo iskaashigiisa Somaliland , isagoo la yeelanaya la macaamil gaar ah, taa beddelkeedana uu saldhig ka sameysanayo gacanka cadmeed, markaa oo haddii uu guul-darraysto qorshaha Itoobiya , waxay Telaabiib helaysa hab kale oo ay ku gaarayso gacanka cadmeed, waana in Mareykanka uu ka hirgeliyo saldhig..!
W/Q Iman Jama
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com