Allbanaadir.com
NEWS

Ruto oo saxiixay in caasimada Kenya laga raro Nairobi

Madaxweyne Ruto ayaa waxa uu saxiixay in Caasimada Kenya laga raro Nairobi.

Caasimada ayaa loo rarayaa Nakuro oo ah Magaalo Barwaaqo ah oo qurux badan, isla markaana dhisan, waxaana dega 70% Kuukuuyo iyo 30% oo ah Qabiilka MW Ruto.

Sababta loo rarayo ayaa lagu sheegay mashquulka faraha badan ee Nairobi saaran.

Dadka Kenya oo gaaraya 55-Milyan ayaa 7-Milyan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin Nairobi.

Nakuru, waxaa laga dhisayaa Garoon Diyaaradeed oo cusub,Madaxtooyo iyo Xarumaha hay’adaha Maamulka.

Shaqaalaha, Wasaaradaha iyo dhamaan hay’adaha Dowlada Kenya ayaa guuraya.

Qaraarkan Maanta ayuu saxiixay MW Ruto waxaase la qiyaasayaa in ay qaadan doonto rarida Caasimada ilaa 10-Sano.

In caasimad la raro, waxaa ku baxa Balaayiin Dolar oo aysan Kenya hada awoodin, isla markaana keeni doonta in Dalku galo Dayn cusub oo culays ku sii noqon doonta.

Kenya waa Wadanka kaliya ee Madaxweyne kasta oo yimaada hindiso Mashruuc Lacag badan ku kacaya oo uu ka sameeyo Dhaqaale, balse aan ahayn Dan Qaran oo loo baahnaa.

Related posts

Aas balaaran oo maanta loo sameeyay Taliyihii booliiska Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dil dad badan ka naxeen oo xalay ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Howlgal daba dheeraaday oo weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---