Allbanaadir.com
NEWS

War Murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland

Waxaa Maanta, Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare Ee Puntland isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare.

Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen:

  1. In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare.
  2. In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo.
  3. In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda.
  4. Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare ( HEMIS), Wasaaradduna ay tahay cidda maamuleysa xogta Jaamacadaha Puntland.
  5. ⁠In la dedejiyo dib-u-eegista iyo waxkabeddelka lagu sameynayo siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira tacliinta sare iyo meel marintooda si loo hirgeliyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare

Related posts

Dal Carbeed oo Dhax dhaxaadinaya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka

Cabdi Cade

Wiilka Madaxweyne Museveni oo hakiyay isticmaalka barta X iyo sababta keentay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---