Madaxweyne Yoon Suk Yeol, ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas Koonfur Kuuriya sida uu baahiyay xafiiskiisu.
Maanta ayaa baarlamaanka dalkiisu ka xayuubiyeen xilkii madaxweynenimo ee uu u hayay dalkiisa.
Xilka ayaa haatan waxaa la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo.
Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay Madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saaari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga aheyd ku soo celiyo”.
“Waxaan dareemayaa masuuliyad culus oo iga saaran xaalka nasiib xumada ah ee aan ku jirno, waanan ka raali galinayaa dadka reer Kuuriya,” ayuu yiri Han.
Madaxweynahaan xilka sii hayn doona ayaa waxa uu sheegay in uu ka ilaalin doono dowladda “in uu firaaq dhaco” isaga oo sheegay in uu soo dhisi doonoo “haykal amni oo adag” iyo gole wasiiro oo ay diiradoodu tahay “shaqo adag oo halkeeda ku sii haysa aamniadda” ay isku qabaan wadamada Maraykanka, Japan iyo xulufada kale ee ay leeyihiin.
Dadweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa waxay wadeen dibadbaxyo joogto ah tan ilaa shantii December, iyaga oo dhaxanta u istaagayay subax walba dalabkooda ku aadan in uu booska baneeyo madaxweyne Yoon.
Madaxweyne Yoon iyo xulafadiisa ayaa waxaa ku socda baaritaan, iyada oo lagu eedeynayo kacdoon abuuris, waxaana xayiraad safar la saaray qaar ka mid ah saaxiibadiis.
Todobaadkii hore ayuu ka badbaaday xilka xayuubin baarlamaanku ku samayn rabay, waxa uuna xilligaas kadib ku dhawaaqay in uu dalka galiyay xaalad degdeg ah.