Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Baydhabo ka dejisay Diyaaradaha ciidanka xoogga dalka

Dowladda Soomaaliya , ayaa markii ugu horreysay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed geysay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee leeyihiin ciidanka xoogga dalka, kuwaa oo qeyb ka noqonaya howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) , ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay soo gaareen ciidanka xoogga dalka ee jooga Baydhabo diyaaradaha ciidanka, kuwaa uu sheegay in qeyb ka noqon doonaan howlgallada lagu soo afjarayo Al Shabaab.

“ Waxeenna waan ilaa-shaneynaa diyaaradahan waa kuwa muhiim inoo ah xiligan marka laga eego dhanka cirka, tani waxay inoo tahay maanta farxad aan la soo koobi karin, isagoo bogaadiyey Madaxda Qaranka dadaallada dib loogu dhisayo ciidanka Cirka oo uu sheegay inay muhiim gaar ah u yihiin xiligan oo Tiknoolajiddu gaartay meel casri ah” ayuu yiri Taliye Xasan Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya oo markii cunaqabateynta hubka laga qaaday heshay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee adeegsadana ciidanka milatariga, ayaa diyaaradahaasi geysay qaar kamid ah gobolada dalka, si ay u caawiyaan ciidanka halkaasi ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay haweenka labada aqal ee Baarlaamanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---