Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka socda deegaanno hoostaga Wabxo

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo deris ah ayaa ka socda deegaanno hoostaga degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa qarxay shalay subax, waxa uuna socday ilaa shalay galab, waxaana wararka aan helnay sheegayaa in saakay mar kale dagaal u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed uu dib uga qarxay goobihii shalay lagu dagaallamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda degmooyinka Wabxo iyo Guriceel, mana jiraan ilaa hadda dedaalo socda oo dagaalka lagu joojinayo, mana jiraan wax war ah oo dagaalkan ku aadan oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay dad ka badan shan qof oo kasoo kala jeeda dhinacyada dagaallamay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Galgaduud.

Galmudug, waxaa kusoo badanaya dagaal beeleedyada salka ku haya isku dhacyada qabaa’ilka, waxaabna marar badan deegaanno katirsan gobolka Galgaduud ka dhacay dagaalo dhax maray maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelo gobolkaasi wada dega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii ugu horeeyay ee Cilmi baaris Caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Putin oo dhunkaday Kitaab Quraan ah oo la gudoonsiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---