Allbanaadir.com
NEWS

Calan muran iyo shaki badan abuuray oo lagu ag arkay Maxamed Al-Bashiir

Kulankii ugu horreeyay ee madaxa dawladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, Maxamed Al-Bashiir, waxa gadaashiisa ka muuqday laba calan oo kala ahaa “calanka isbeddelka” oo midab madow, caddaan iyo cagaar ah oo dhexda ku leh saddex xiddigood oo cas. Calanka kale ayaa ahaa mid cad oo ay ku dul qoran tahay far madwo oo Toowxiidka ah, wuxuuna aad ugu egyahay calankii ay Taalibaanka marki ay dib u qabsadeen dalka Afgaanistaan oo ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dalkaasi 2021-kii.

Tan iyo markii Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka tuurtay dowladda Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya 8-dii December, kooxdan oo caan ku ah mabaadii’da dowladda la magac la madaxbaday khilaafada Islaamka ayaa fariimo niyad- dhis ah u diraysay qaybaha kala duwan ee shacabka Suuriya, iyagoo ballan-qaaday in la heli doono dawlad midaysan oo ay u dhan yihiin dhammaan dadka suuriya. Waxayna dammaanad qaadeen xuquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha kala duwan.

Balse muuqaalka calanka cad ee lala xiriirinayo xukuumadda Taalibaan ee ka dambeeysa ra’iisul wasaaraha ayaa dad badan ku dhaliyay walaac iyo muran ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalka dowladnimada iyo kala dambeynta Suuriya.

“Tani waxay calaamad u noqon kartaa in xukuumadda soo socota ee Suuriya ay qaadi karto dariiqii xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan tusaale ahaan xukunkeeduna uu ku salaysnaan doonaa shareecada Islaamka,” ayuu yirii Firas Kilani.

Dad badan oo Suuriyaan ah ayaa adeegsaday warbaahinta bulshada si ay u muujiyaan “niyad jab” iyo “cabsidooda” ku aadan waxa laga yaabo in muuqaalka calankan uu ka dhigan yahay.

Saxafi iyo u dhaqdhaqaaqaha siyaasadda Rami Jarrah oo arkay calanka Islaamiga ee ka dambeeya Bashiir markii uu la hadlayay Suuriya ayaa u arko “khalad”.

“Ninkan waxa loo malaynayaa in uu matalo Suuriyaanka diimaha kal duwan oo dhan. Tani waa waxa ay nagu tahay khald aad u weyn dhammaanteen,” ayuu Jarrah ku soo qoray bartiisa X.

Qaarkood waxay muujiyeen diidmadooda in “calan aan ahayn calanka kacdoonka ” laga taago xarumaha hay’adaha dawladda.

Weriye Nidal Al-camaari ayaa sidan ku qoray boggiisa “X”: “Waan ka takhalusnay maamulkii Baas mana doonayno inaan galno qalalaase cusub.

Laakiin qaar ka mid ah dadka reer Suuriya ayaan wax ” dhibaato ah” u arkin in laga taagay “calanka towxiidka” Suuriya, iyagoo muujiyay sida ay u aaminsan yihiin in qaadashada calanka aysan macnaheedu ahayn in dawladda cusub ee Suuriya ay raacayso qaabka Taliban.

Dadka qaar ayaa u haystay in calankan loo qaadan karo “Calanka Xisbiga Talada” oo aanay waxba ka ku jabneyn “haddii ay ogolaadaan matalaadda xisbiyada kale.

Waa maxay sababta Labada calan midba kan kale aan loogasoo minguurin

Taalibaanka Afgaanistaan waxa ay qaateen fikirka mayalka adag ee Sunniga “jihaad doonka”.

Kooxdan ayaa qaatay calanka cad tan iyo markii ay talada dalka Afgaanistaan la wareegeen sanadkii 1996-dii, waxayna markale calanka ka taageen dalkaasi sanadkii 2021-kii.

Isla calankan ayaa muddo dheer waxaa haystay kooxda HTS, waxana uu horey uga dul babanayay xarumaha hay’adaha rayidka ee Idlib.

Isku ekaanshaha calanka Taliban iyo kan ay qaadatay Hayat Tahrir al-Sham waa mid cad, laakiin sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa BBC u sheegay in “labada kooxood aysan midba midka kale koobiyaynin calankiisa.”

Xukuumadda Talibaan ee Afgaanistaan ayaa u dabbaal degtay guulaha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee Hayat Tahrir al-Sham, waxayna rajo ka muujisay in guusha kooxdu ay bilow u noqon doonto “dawlad Islaami ah” oo ka dhalata Suuriya.

Taageerayaasha Talibaan iyo xulafadooda ayaa waddooyinka gobollada Afgaanistaan ku qaybiyay macmacaan si ay ugu dabaaldegaan guusha Hayat Taxriir al-Sham iyo dhicitaanka Bashaar Al-asad.

Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Taliban ayaa ku qoray barta X: “Sheekooyinka Kabul iyo Dimishiq waa kuwa isku mid ah. Labaduba waxay dhaceen maalin Axad ah, mid walbana waxa uu qaatay 11 maalmood si loo xakameeyo, hogaamiyaashoodiina dalka ayay isaga carareen.

Isla calankan ayaa sidoo kale kasoo muuqday meel ka gadaaleysa wareysi warbaahineed oo hogaamiyaha Hayat Tahrir al-Sham Ahmed al-Sharaa (oo markaas loo yaqaanay Abu Mohammed al-Julani) uu siiyay telefishibka CNN toddaabdkii hore. Wareysiga, al-Sharaa waxa uu ku boorriyay reer Suuriya in aysan ka cabsan maamulka Islaamiga ah, waxa uuna isku dayay in uu u xaqiijiyo in dhammaan kooxaha Suuriya ay heli doonaa matalaad.

Aymenn al-Tamimi, oo ah khabiir ku takhasusay kooxaha Islaamiyiinta ee Suuriya, ayaa BBC u sheegay in xulashada ay kooxdu xulatay calan cad uu la jaan qaadayo sawirka ay mar walba doonayaan ee ah in ay isku muujiyaan iyaga oo matalaya Muslimiinta Sunniga ah ee Suuriya.

Al-Tamimi wuxuu aaminsan yahay in muuqaalka calanka kasoo muuqday ee shirkii ugu horreeyay ee dawladda uu muujinayo sida ay uga go’an tahay maamulka “in ay isku soo bandhigaan in ay wakiil ka yihiin barnaamijka maamul Islaami ah.”

Laakiin Al-Tamimi waxa uu aaminsan yahay in “ay aad ugu adag tahay ururka in uu kusoo rogo isla xukunka Talibanka oo kale dalka Suuriya sababtoo ah bulshada Suuriya guud ahaan ma aqbali doonto xannibaado lagu soo rogo xorriyadda sida kuwa ay soo rogeen Taliban, sida ka joojinta haweenka waxbarashada iyo sameynta dawlad kali talis ah oo ka hortagta in la qabto doorashooyin guud.”

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo ay ku dhinteen raggii aasayey oo ka dhacay gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Madaxweyne Afrikaan ah oo lacag ku soo rogay qofkii doonaya inuu la kulmo (LA YAAB)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo magacaabay xubnaha Golaha Shacabka ku matelaya Baarlamaannada Africa, Carribean iyo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---