Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Iimaan, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
Axmed Iimaan , ayaa sheegay in Wasiir Axmed Fiqi uu caado ka dhigtay in uu caayo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda una gefo, isaga oo tilmaamay xilligii uu macaaradka ahaa dhaliil albaabada la taagnaa.
‘’Waxaa layaab ah, in Axmed Fiqi oo ah ninkii habeen iyo maalin idaacadaha la taagnaa dhaliil iyo eedeyn joogta ah, in uu marar badan eedeeyo degaano gaar ah iyo siyaasiyiin intaba -asaga oo aaminsan in uu shaqada ku joogi karo waxaan soo caayay hebel’’ ayuu yiri Axmed Iman.
Waxa uu intaa ku daray siyaasi Axmed Iman ‘’ Fiqi, waa nin ayaandaran, shalayna waxa uu ahaa qaaqle ma xishoode ah , maanta uu wasiir yahayna waa guulwade aan xishoon oo caado ka dhigtay cayda madaxdii hore iyo siyaasiyiinta kale’’
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , ayaa xilligii Xukuumadda Farmaajo kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn dowladaasi u mucaaradi jiray, waxa uuna hadda dhaliilaa siyaasiyiinta dowladda mucaaradka ku ah uu ku tilmaamo cadaw kalkaal.