Waxaa maanta diyaarad laga saaray deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, qaar kamid ah ciidankii dowladda Soomaaliya geysay deegaankaasi ee gacanta u galay ciidamada maamulka Jubbaland.
Ciidankan maanta diyaarada laga saaray deegaanka Raaskanbooni ayaa isugu jiray ciidamo katirsan milatariga gaar ahaan kuwa Gorgor iyo ciidamo badan oo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland , ayaa garoonka diyaaradaha Raaskanbooni ka sagootiyay ciidankan maanta loo diray magaalada Muqdisho ee lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Raaskanbooni.
Ciidankan dowladda Soomaaliya dagaalka looga qabtay ee diyaarada la saaray ayaa laga reebay hubkii iyo agabkii kale ciidan ay wateen, waxaana ciidankan oo wajiyadooda ka muuqatay farxad u mahadceliyeen saraakiisha Jubbaland ee suurto galisay in iyaga oo nabbad ah Muqdisho lagu celiyo.