Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hoygiisa kulan qado sharafeed iyo soo dhaweyn ugu sameeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Kulanka ayaa intiisa badan waxa uu daarnaa soo dhaweyn iyo kala xog-qaadasho, iyadoona labada mas’uul ay is-dhaafsadeen tallooyin ku aadan horumarada ka jira magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo howlaha hortabinta u leh gobolka Banaadir.
Guddoomiye Madaale ayaa dhawaab lagu wadaa in uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaana socota qaban qaabada munaasabadda xil wareejinta.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmo kahor xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo xilkaasi hayay in ka badan labo sanno, waxaa sidoo kale la filayaa in iyana isbadello lagu sameeyo qaar kamid ah kuxigeennada gobolka Banaadir.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com