Mucaaradka Itoobiya ayaa si wayn uga qayliyay heshiiska Ankara ku dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen in xukuumadda Raisul Wasaare Abiy Ahmed, ay guul daro Diblomaasiyadeed u horseeday dalkaasi.
Jawar Mohammed, oo kamida dadka saamaynta ku leh siyaasadda Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu nuxurkiisu u dhignaa sidan.
“Muhiimada Heshiiska Ankara, waxa uu ina tusayaa in Xukuumada Addisababa ay dib ugu noqotay wixii ay shalay iska dhaga iyo indho tiraysay oo ah, in Abiy uu qalinka ku duugo ixtiraamka madaxbanaanida dhuleed iyo qaranimada soomaaliya, meeshana laga saaro wixii dadka horay loogu khalday ee ahaa in Itoobiya ay bad ugaara ka heleeyso Somaliland.
-Maanta taasi waxay noqotay riyo beenawday waxaana lama huraan noqday in Itoobiya si lamida sida wadamada kale ee caalamka ay soomaaliya ka codsato in Dakad laga kireeyo, waa nasiib daro wadan indho la,aan iyo muhmal siyaasadeed lagu hogaamiyo, waana sababta aan heshiiskii Xukuumada Addisababa lagashay maamulka somaliland aan horay ugu sheegnay inuuna ahayn mid meel gaadhi doona, ayuu yidhi Jawar Mohammed.