Caalamku wuxuu aqbalayaa heshiisyada ay gasho Muqdisho oo ah xudunta Soomaaliweyn iyo xaruunta awooda dowladnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasina waxey cashar lama hilmaamaana ay u tahay iney wax badan ka fahmaan madaxda maamul goboleedyada, kuwooda qaab deegaan ama mid beeleed quuri weyto ahaan uga soo horjeeda go’aanada ay gaaraan madaxda joogta Muqdisho. Go’aamada Muqdisho ayaa la aaminsan yahay iney tahay awooda ugu sareysa oo ah mida isku haysa midnimada ummadda iyo wadajirka dhulalka Soomaaliya, waxaana qasab ku ah shacabka ah wadaniyiinta daacada ah iney raacaan amarada madaxda dowladda dhexe oo masuul ka ah hogaaminta Jamhuriyada Soomaaliya, iyagoo taageerada wadaniyadooda aan ku saleyneyn dhaliilaha ay leedahay shaqsiyadda hogaamineysa dalka.
Kulanka Raisulwasaaraha Itobiya, Aby Ahmed, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud, ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga marka ay taariikhdu ahayd December 11, 2024 wuxuu mudan yahay in la amaano oo weliba si buuxda loo taageero si shuruud la’aan, wuxuuna kulankaas soo afjaray heshiiskii beenhawaaska ah ee Itobiya ay la gashay maamulka Somaliland. Heshiiskaas oo ay dhexdhexaadineysey dowladda Turkiga wuxuu ahaa mid labada dal la isugu soo dhoweynayey, waxaana meesha ka baxay wixii ay jecleyd iney hesho Itobiya oo ahayd in la siiyo bad ay iska leedahay maamulkeeda, waxaana sidoo kale ay Soomaaliya weysey iney hesho wixii ay ka dooneysey Itobiya oo ahayd raaligelin, waxaase guuleystey in nabad iyo derisnimo wanaag laga wada shaqeeyo.
Runtii kulankaas wuxuu ahaa inuu dhaco mar hore, laakiin Soomaalida ayaa wax badan ka caga jiideysey, iyadoo madaxda hogaamineysey dalka ay cabsi badan ka qabeen dareenka aadka u kacsanaa oo xambaarsan dhiilada oo ay dadku ka qaadeen heshiiskii beenta ahaa oo ay Itobiya la gashay maamulka Soomaaliland, kaas oo si isku mida u wada saameeyey dareenka shucuurta Soomaaliyeed oo jooga gudaha iyo dibeda dalka. Waxaa sidoo kale in kulankaan oo kale uu qabsoomo daahiyey shuruudaha watey qiirada xamaasadeysan ee uu madaxweyne Xasan ku xiray Aby, taas oo ahayd inuu si cad uga noqdo heshiiskaas iyo inuu ka bixiyo raali gelin xadgudubka uu kula kacay madaxbanaanida dhuleed iyo wadajirka midnimada Soomaaliya, waxeyna taas ahayd iney timaado marka ay dhacdo in wadahadal isfahama laga yeesho dib u sixida heshiiska sharcidarada ahaa.
Soomaaliya iyo Itobiya madaxdeedu waxey isku maandhaafeen in madaxda Itobiya ay uu aragtay Soomaaliya iney tahay mid tabar daran, sidaasna ay ku damacday iney heshiis beena marmarsiyo uga dhigato iney ku boobto qeyb ka mida kheyraadka Soomaaliya, balse Itoobiya waxey iska indhotireysaa iney Soomaaliya ahayd dowlad la’aan mudo dheer oo aysan marna dhicin in caalamka dowlad ka mida ay isku deydo iney si toosa ama si dadban ay ugu dhiirato iney xoogg ama xeelad ugu adeegsato boobka kheyraadka Soomaaliya.
Wadamada waaweyn sida Mareykanka, Ruushka, iyo Shiinaha cidina ugama baahi badna iney hantaan dhulka Soomaaliya oo istratejiyad ah, sidaas oo ay tahayna weligood marna si toosa iyo si dadban marna isuguma dayin iney si xeeladeysan ama xoogga kula wareegaan, balse taas bedelkeeda ayey Itobiya isku dayday iney ku dhiirato xadgudubkaas, iyadoo tilaabadaas u cuskaneysa in Soomaaliya ay ugu sheeganeyso qaan ah in kumanaan ka mida ciidankeeda u dhinteen dhismaha dib u soo celinta dowladda Soomaaliya, sidaas daradeedna ay qiil maangala ugu haysato iney qaab ku saleysan heshiis beenabuura ay ku hantaan qeyb ka mida hantida ay dhaxalka u leeyihiin Soomaalida.
Wax badan ayaa looga digey Itobiya ineysan u suurtoobeyn isku daygaas aan caqligalka ahayn, balse waxaa jirtey wadamo ay ka midka yihiin Israil iyo Imaraadka oo ku dhiirogelinayeen suurtagalnimada in Itobiya ay la wareegto lahaanshaha deegaano ku yaala xeebta Bada Cas, waxaana tilaabadaas iney qaadaan wwadamadaas ku kalifay baahida ku meel gaarka ah oo ay ku doonayaan iney ku adeegsadaan ciidamada maxaaxeysatada ah oo ay heysato Itobiya, waxaana labadaas dal danahooda qaran dhuungal ku noqotay taliska Xuutiyiinta ka arimisa Yemen oo ay rabaan in awoodooda la wiiqo.
Itobiya ayaa boobka ay ku dooneysey dhulka Soomaaliya u garaacday albaabo badan oo kooxaha ku jira ay tahay kuwo daaha gadaashiisa go’aanada talooyinkoodu ay ka maamulaan inta badan caalamka, waxeyna intooda badan kala soo kulantay ineysan arrintaas ku taageereyn, balse ay kula talinayaan ineysan horay ugu sii socon fulinta damaca boobkeeda, waxaana si cad loogu sheegay iney ogyihiin in Soomaaliya dhulkeedu yahay istratjiyad cid walba ay dooneyso, balse banaanka laga wada ilaalshanayo, sidaasna aysan u jirin cid raali uga ah cid kale iney qeyb ka mida iska qaadato iyadoon heshiis lagu wada ahayn, waxeyna taas ka dhigtay Soomaliya duurjoogo kor laga wada ilaalsanayo oo addunku ay ka baqayaan iney darteed isugu halaagmaaan haddii ay dhacdo in cid gooniya ay isku daydo iney si sharcidaro ah ay ku lahaato.
Itobiya ayaa rumeysneyd markii hore iney qadiyad diimeed taageero uga heleyso wadamada Reer Galbeedka, waxaase loo sheegay iney adeegsiga xeeladaas ay mar hore adduunka ka dhamaatay oo ay tusaale muuqata u ahayd Reer Galbeedku duqeymahii ay ku beegsadeen Kirishtaanka Serbiya, iyagoo u hiilinayey qadiyada Bosnia ee Muslimiinta u badan, waxaana sidoo kale qadiyada diinta ku hungoobey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqasim oo wadamada Carabta iyo kuwa Muslimiinta ka doontay taageero dhaqaale oo dib loogu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, waxeyna noqotay jawaabta uu kala kulmay ineysan ficil ahaan waxba u qaban karin, balse af ahaan ay ku garab taagan yihiin dadaaladiisa.
Itobiya damaceedii ku aadanaa boobka biyaha Soomaaliya waxaa diidey caalamka, waxeyna Soomaaliya ku guuleysatay ra’yiga caalamka iney hanato oo siyaasad ahaan ay ku guuleystay in albaabada badan oo ay garaaceysey Itobiya ay si sahlan uga soo xirto, sidaasna ku muujisay diblomaasiyad heerkeedu sareeyo, waxeyna taas miradhalkeedu noqotay in Itobiya oo soo quusatay ay wadahadal dhaba la yeelato Soomaaliya, waxaana madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itobiya la soo gaarsiiyey iney aqbalaan in xiisada u dhaxeysa labada dal la baabi’iyo, meeshana laga saaro xasarado dhaliya in xooggaga caalamka ugu weyn ay dartood isu hertiyaan gobolka Geeska Afrika. Cida sida waxtarka leh u fahmeysa qiimaha ay leedahay nuxurka diblomasiyadda ayaa wuxuu qirayaa in kulankaas uu labada wadan u yahay bilow wanaagsan oo labadooduba ay uga soo noqonayaan xamaasadii dhalanteedka ahayd oo mid walba uu ku doonayey wixii uu ka rabo dalka kale inuu warbaahinta caalamka kala hadlo, meesha ay ahayd iney labada dal isku soo hor fariistaan wadahal ay isku xalinayaan.
Madaxweyne Hassan Iyo Raisulwasaare Aby midna rabitaankiisa uguma qancin iney heshiis xaqa ugu wada gaareen Ankara, waxeyna labada masiil kulmintooda ay qaadatay wakhti dheer oo loo kala dabqaadayey oo hurdo la’aan iyo daal badan laga dhaxlay si looga dhex shaqeynayey, waxaana ay ugu dambeystii iyagoo tabar dhigay ay wada qaateen talada ay xambaarsaneyd dowladda Turkiga oo ahayd amar dusha sare ee caalamka ka timid, taas oo fareysey in la gaaro heshiis lagu wanaajinayo xiriirka labada dal, kadibna laga wada heshiinayo waxyaabihii la kala tabanayey, markaas kadibna heshiis cusub oo waafaqsan xeerarka caalamka la wada galo, taas oo looga jeedo heshiiskii sida qaldan loo galay in la saxo oo la waafajiyo maslaxadaha shuruucda labada dal.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com