Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Itoobiya oo xil muhiim ah u magacawday Haweeney horey loogu xukumay Xabsi daa’in (Sawirro)

Dalka Itoobiya waxaa wali ka socda isbadalo siyaasadeed oo waa weyn, waxaana dalkaasi xilal muhiim ah looga magacaabay Siyaasiyiin horey mucaarad ugu ahaa dowladihii dalkaasi soo maray.

Dowlada Itoobiya ayaa haweeney kamid aheyd mucaaradka magaca leh mudo sanado ahna dalka ka maqneyd u magacawday in ay noqoto Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaran ee dalkaasi.

Birtukan Mideska oo sanado badan kadib bishan horaanteeda dalka Itoobiya dib ugu laabatay ayaa loo xushay in ay noqoto Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana magacaabisteeda meel mariyay Baarlamaanka Itoobiya.

Haweeneydan loo magacaabay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya oo horey u aheyd garsoore ayaa dowladii hore ee Itoobiya waxa ay ku xukuntay xabsi daa’in kadib doorashadii muranka badan dhalisay ee dhacday sanadkii 2005-tii.

Dowlada Itoobiya ayaa wada isbadalo waa weyn oo siyaasadeed, waxaana dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed xilal muhiim ah laga siiyay haween sidoo kale waxaa xilal lo magacaabay xubno mucaarad ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo xariga ka jaray Xarunta Gurmadka deg-dega ah ee Booliiska (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay Ololaha cusub ee Madaale ka daah-furay Muqdisho?

Caydiid Ali

Abwaan iyo Macalin Jaamacadeed oo caan ka ahaa Muqdisho oo isku dhiibay Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---