Allbanaadir.com
NEWS

Somalia iyo Turkiga oo heshiis cusub kala saxiixday (Sawirro)

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo wasiirka Cadaaladda Turkiga, mudane Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo

Heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada oo muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga.

Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhamaystaan xabsigooda, unala sii joogaan qoysaskooda iyo deegaanka ay yaqaaniin.

Heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed, iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.

Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.

Related posts

Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Micnaha dhabta ah ee laga wado Ereyada Siyaasada

Cabdi Cade

Turkiga oo dib usoo celineysa Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---