Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay inuu burburiyo shabakado maaliyadeed oo uu sheegay in kooxda al shabaab lacago loogu shubi jiray
Sidoo kale, Xafiisku waxa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doollar oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen Al shabaab in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaas oo looga shakisan yahay in al shabaab u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha.
“Koontooyinkan ayaa marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda. Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah” ayuu lagu yiri qoraaka xafiiska xeer ilaalinta
HOOS KA AKHRISO QORAALKA XEER ILAALINTA