Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa qaabilay safiirka dalka Mareykanka Amb. Richard H. Riley .
Safiirka Mareykanka ayaa ugu horeyn madaxweynaha cusub ugu Hanbalyey xilka madaxweynaha Somaliland oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyey .
Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu madaxweynaha cusub u soo bandhigay sida uu Mareykanku ahmiyad gaar ah u siinaayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland .
Amb. Richard H. Riley waxaa uu si gaar ah hoosta uga xariiqey in Mareykanku qorsheynaayo in iskaashi dhanka amaanka ah la sameysto Somaliland.
Danjiraha Mareykanka ayaa ka mid ah wufuud kala duwan oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey madaxweynaha cusub ee Somaliland C/raxmaan Ciro
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaguna dhankiisa cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu u sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka .