Maamulka Jubbaland waxay si kulul u diideen eedeymaha ka imaanaya Dawladda Federaalka ee sheegaya iney xiriir la leeyihiin Al Shabaab ayna ciidamadii weeraray raaskambooni dhexmareen degaano ay ka taliso kooxdaas.
Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Jubaland Aaden Axmed Xaaji, ayaa sheegay in eedahaas aysan waxba ka jirin.
“Gaadiidkeenna, annaga badda ayaan marinnay, Buurgaabo ayaan joognay difaaceenna u dambeeya, Raaskambooni iyagaa ciidankeenna kala furay annagaa joognay”. ayuu yiri
Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda in iyada ay weerarka soo qaadday sidaasina uu dagaalka ku bilowday.
“Warka ay sheegeen waxba kama jiraan, dowladda iyadaa weerarka soo qaadday, dagaalka drone ayuu ku bilowday, wa haynaa drone-ka”.
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in warka dowladda ay warbaahinta u gudbineyso uu been yahay.
“Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin, intaas oo diyaaradood ayey meesha geysay, ciidan ATMIS ahaa oo degganaa Raaskambooni ma jiro, maxay ciidamada u geysay”. ayuu isweydiiyey
Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeeshay kaga hadlay dagaalka ka dhacay Raaskambooni.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf al-Caddaala oo hadlay markii uu soo dhammaaday shirka golaha wasiirrada dawladda federaalka ayaa sheegay in goluhu cambaareeyay weerarka lagu qaaday ciidamada dawladda.
“Golaha wasiirrada waxay si adag ugu cambaareeynayaan weerarkaas Axmed Madoobe ku soo qaaday ciidanka qaranka Soomaaliyeed, falkaas wuxuu ahaa mid laga xumaado aan la fileyn, ciidankaas waxay halkaas u joogeen in ay kala wareegaan ATMIS goobaha ay baneeyeen”.
Al-Caddaala waxa uu sheegay in golaha wasiirrada ay soo gaartay warbixin ku saabsan in al-Shabaab kala shaqeeyeen weerarkaas maamulka Jubbaland.
Waxay u suuragaliyeen in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid Kismaayo gaaro goobtaas, halkaas oo sida la ogyahay u jirta wax ka badan 270 kilo mitir Kismaayo, dhul badan oo Shabaab joogaan ayey soo dhexmareen ciidamadaas”.
Wasiir al-Caddaala waxa kale oo uu sheegay in golaha wasiiradu sameeyeen guddi baaris ku sameeya nooca xiriir ee dhexmari kara madaxweynaha Jubbaland iyo al-Shabaab.