Waxaa xalay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga heshiis is-faham ah ku gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, waxaana heshiiskan iyo isku keenida ka shaqeeyay Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan.
Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre , ayaa si ada uga horyimid kulanka iyo heshiiska ay gaareen Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna sheegay Kheyre in ayaandarro tahay in Madaxweynaha la fadhiisro Abiy xilli uu wali ku adkeesanayo heshiiskii uu la galay Somaliland.
Halkan ka akhriso qoraal uu Kheyre heshiiska Xasan iyo Abiy uga hadlay
1dii Jannaayo 2024, Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland. Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba waxa ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed.
Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay.
Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato. Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ku boorrinayaa in ay ka feejignaadaan halista ku geedaamaan heshiiskaas sharcidarrada ah iyo tallaabooyinka aan laga baaraandegin ee ay qaadeyso dowladda Federaalka oo dhaawac ku noqon doonta madaxbannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com