Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo baareysa Xiriirka ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Al Shabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo kooxda Al Shabaab.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale intii uu socday waxaa looga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raaskanbooni ee ciidanka dowladda looga saaray deegaankaasi, waxa ayna Xukuumadda sheegtay in falkaasi lagu weeraray Raaskanbooni ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaalla, oo shirka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradda si kulul u cambaareeyeen weerar uu sheegay in Axmed Madoobe ciidankiisa ku qaadeen ciidanka dowladda geysay Raaskanbooni.

Al Cadaalla ayaa sheegay in ciidanka dowladda geysay deegaanka Raaskanbooni lagu amray in ay isaga baxaan deegaanka Raaskanbooni markii weerarka lagu soo qaaday, waxa uuna xusay ciidanka in aysan qabin amar ay kula dagaallamaan cid aan Al Shabaab aheyn.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Wasiiradda heleen xog ku aadan in kooxda Al Shabaab weerarkii shalay Axmed Madoobe kala shaqeeyeen, waxa uuna wasiirka sheegay in Al Shabaab u fududeeyeen Axmed Madoobe in gaadiid dagaal oo ka tagay Kismaayo gaaraan Raaskanbooni.

Waxa uu sheegay Al Cadaalla in horey Axmed Madoobe looga qabay shaki ah in uu Al Shabaab xiriir la leeyahay, waxa uuna xusay in falkii shalay dhacay iyo gaadiidkiisa oo Al Shabaab soo dhax maray muujineyso xiriirka kala dhaxeeya Al Shabaab ayna ku sameenayaan baaris.

Hadalkan kasoo yeeray Xukuumadda Soomaaliya , ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada maamulka Jubbaland dagaal shalay kula wareegeen deegaanka Raaskanbooni oo dowladda Soomaaliya ciidamo geysay, kaddib khilaaf soo kala dhax galay dowladda iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhagax inuu cirka kasoo dhaco laga baqayo oo loo diray qalab kahor taga

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay guusha kiiska Badda, eedeymo culusna u jeediyey Kenya

Caydiid Ali

Sheekh Zakir Naik oo laga mamnuucay in Wacdi ka jeediyo Dal Muslim & Sababta keentay

admin
Taboola Ads ---