Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir isku dayay in uu is dilo kaddib fashil ku yimid qorshe uu diyaariyay

Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa galay xaalad siyaasadeed oo jahwareer badan ku jiro, kaddib markii laga horyimid lana diiday qorshe ay dalka xaalad deg deg ah ku galiyeen Madaxweynaha dalkaasi iyo xubno ku dhaw dhaw oo xukuumadiisa katirsan .

Wasiirka difaaca dowladda Kuuriyada Koonfureed, Kim Yong-hyun oo ahaa qofkii diyaariyay qorshihii sharciga dagaalka ee guul-darraystay, ayaa isku dayay inuu isku dhex dilo xabsi gaar ah oo lagu xiray, sida ay ku warrameen Reuters iyo Yonhap News.

Xubno dgowar ah uu ku jiro wasiirka Difaaca ee dejiyay qorshaha fashilmay ayaa la galiyay xabsi si baaritaanno loogu sameeyo, waxa ayna xubnahan wajahayaan dhaleeceyn iyo ceeb ka dhalatay qorshaha dagaalka iyo xaalada deg dega ah ee dalka galin rabeen.

Madaxweynaha dowladda Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol ayaa saddexdii bishan December, ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dagaal, isagoo ku andacoonaya inay jirto khatar ka soo wajahday dhinaca milatariga Kuuriyada Waqooyi.

Xaalada deg dega ah uu Madaxweynaha ku dhawaaqay waxaa laalay oo kahor yimid baarlamaanka dalkaasi , waxaana hadda socda baaritaan la xiriira khiyaano qaran oo uu wajahayo Madaxweyne Yoon iyo xubnaha ku dhow oo qaarkood hadda xiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo si adag uga hadlay Hanjabaad Mareykanka uga timid Shirkadaha iyo Gancastada Turkiga

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo la kulmay Saraakiil tababar Milateri ku qaadanaya Doha (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Somalia oo Kumanaan dadweyne kula hadlay Garoonka K/Cagta Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---