Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo si adag uga hadlay dagaalkii ka dhacay Raaskanbooni

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkii shalay deegaanka Raaskanbooni ku dhax maray ciidanka dowladda iyo Jubbaland, kuwaa uu sheegay in ay leeyihiin hal cadaw oo Al Shabaab ah.

Farmaajo ayaa tilmaamay in dagaalka shalay dhacay uu muujinayo  xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna murugo ka muujiyay dhibaatada ciidanka soo gaartay iyo caqabadaha awoodooda wiiqday.

”Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa intaasi ku daray ” Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir ahna looga shaqeeyo ka gudbida  caqadaha haysta qarankeenna oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuqmaasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Dowlada Turkiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oo 6 Milyan Dollar oo Deeq ah u fasaxday Maamul goboleedyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo caawa Goobjoog ka noqday Doorasho ka dhacday degmada Eyl (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---