Wasiirkii qaxootiga Afgaanistaan, Khaliil Uur-Rahman Haqqani ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay masaajid ku dhex yaalla xarunta wasaaradda qaxootiga ee ku taal Kabul, kaddib markii xilliga salaadda casar uu isku qarxiyay nin gudaha usoo galay masaajidka, sida u sheegay afhayeenka xukuumadda Afgaanistaan, Zabihullah Mujahid oo weerarka ku eedeyay kooxda Daacish.
Wuxuu noqonaya wasiirkii u horreyay ee Afgaanistan oo lagu dilayo weerar is qarxin ah iyo hoggaamiye sare oo laga dilay ururka Taalibaan ee hoggaamiya dalka Afgaanistaan.
Nin gacanta soo xirtay oo iska dhigay inuu gacanta ka jaban yahay oo ay biro ku jiraan ayaa ka soo gudbay qeybta baarista ee wasaaradda isagoo sheeganaya inuu doonayo salaadda casar in masjidka xarunta wasaaradda uu ku tukado, xilli ay su’aallo waydiinayeen ciidanka ilaalada wasaaradda ayaa Khaliil Uur-Rahman oo ka soo baxay xafiiskiisa wuxuu u sheegay inay iska soo daayaan, taasoo dhalisay inuu gudaha masjadka soo galo , soona fadhisto meel aan ka fogeyn halka uu salaadda ku tukanayay Khaliil Uur-Rahman , illaa markii dambe uu is qarxiyay, waxaana wasiirka la dhintay shan ka mid ah dadkii ku tunayay masjidka, sida ay sheegeen shabakadaha wararka ee ku dhow Taalibaan.
Taalibaan ayaa dhab ahaantii wayday xubin sare oo muhiim ah — Khaliil Uur-Rahman Haqqani , wuxuu ahaa sarkaalka hoggaaminayay muddo dheer dhaqaale aruurrinta Taalibaan, taa oo ka dhigtay xubin muhiim ah oo aad loo raadiyo oo ka tirsan Taalibaan, wuxuu awooday iyadoo loo aqoonsanyahay argagixiso caalami ah oo Mareykanka uu xogtiisa iyo madaxiisa ku raadinayo 5 milyan oo dollar inuu ka deggo garoomo caalami ah oo ku yaalla dalalka carabta iyo waddamo kale oo Aasiye ka tirsan , isagoo dhaqaale u aruurinaya Taalibaan inta ay ku jireen dagaalkii dheeraa oo isbahaysiga NATO oo Mareykanka hoggaaminayay ku khasbay inay isaga baxaan Afgaanistaan , sannadkii 2021 markaa oo ay Taalibaan dib ugu soo laabatay xukunka Afgaanistaan.
Khaliil Uur-Rahman , wuxuu la dhashay aasaasihii mid ka mid ah kooxaha ugu sarreeyay Taalibaan ee shabakadda Haqqani oo dagaallo adag la gashay Mareykanka , iyadoo shabakadan uu aasaasay Jalaluddin Haqqani. Sidoo kale Khaliil, wuxuu adeer u yahay wasiirka arrimaha dibadda Afgaanistan iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha ururka Taalibaan, Sirajuddin Haqqani, taa oo ka dhigaysa qoys muhiim u ah ururka Taalibaan.
Dilka Khaliil Uur-Rahman , wuxuu ka dhigaya inay hoggaamiyayaasha Taalibaan, wajahayaan iskudayo khaarijin ah , waxayna xaaladan ku khasbaysa inay dib u habeyn ku sameeyaan nidaamkooda amniga , tan oo xataa beddelaysa sida aan xadka lahayn ee wax walba ay caadi ugu qaateen hoggaamiyayaasha Taalibaan oo la arko iyagoo bilaa ilaalo socda, kuwa kalena ku dhex nool goobaha ay dadweynaha ku badanyihiin. Ma jirto hadda koox ku deg degtay inay sheegato dilka Khaliil, laakin Taalibaan ayaa dilkan ku eedeysay Daacish, balse ururka iyo unugga wali dhisan ee Haqqani, waxay dhacdadaan ku riixeysa inay sameeyaan baaritaan ka badan eedeynta ay u jeediyeen Daacish.
IMAN JAMA