Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey ciidanka DF oo laga saaray Raaskamboni

Jubbaand ayaa sheegtay iney su buuxda ula wareegtay degaanka Raaskamboni ee gobolka jubada hoose oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan DF oo laga diray Muqdisho.

ilo madax banaan ayaa allbanaadir Online u xaqiijiyey in ciidamada Jubbalan ay si buuxda ula wareegeen degaanka raaskambooni.

Arrintan ayaa timid ka dib dagaalo dhowr mar ka isku laalaabtay oo ciidamada DF iyo Jubaland ku dhexmaray nawaaxiga degaanka Raaskambooni kuwasoo geystay khasaare labada dhinac soo kala gaaray oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamadii DF ee joogay raaslamkooni ayaa la sheegay iney badankood ka gudbeen xadka somalia la wadaagto Kenya halka qaar kalena ay ku sugan yihiin degaano ay u firxadeen.

War ay soo saartay Jubbaland ayay ku sheegtay in ciidanadii ay DF ee joogay degaankaas ay noqdeen wax la dilay wax la dhaawacay iyo qaar nolosha lagu qabtay.

Related posts

NISA oo qabatay sargaal iyo nin kale oo Al Shabaab shaqo weyn u hayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la affuray qeybo kamid ah Bulshada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiga oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---