Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in kala shaki xooggan uu soo kala dhax galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirro katirsan Xukuumadda, kuwaa oo horey uga tirsanaa urur siyaasadeedka lagu magacaabo Daljir,
Sida aan xogta ku helnay xubno katirsan Wasiirradan ay kamid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, ayaa shirar hoose la qaatay siyaasiyiin qaarood kasoo horjeeda nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiir Xasan Macallin iyo Fiqi ayaana siyaabo hoose ula kulmay masuuliyiin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa ay kala hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, waxa ayna ka codsanayeen in ay qeyb kasoo noqdaan ururkooda Daljir oo xisbi u baddelayaan.
Xubnaha la kulmay Wasiiraddan Xukuumadda kasoo galay xisbiga Daljir, ayaa u sheegay in aysan aamini karin ayna qeyb ka yihiin kooxda Damul Jadiid, hasa ahaatee Xasan Macallin iyo Fiqi ayaa ku qanciyay siyaasiyiinta ay la kulmeen in dowladan dan kula joogaan ayna ku hoos dhisanayaan xisbigooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul Jadiid , ayaa la sheegay in ay heleen xogta dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ay wadaan kooxda Daljir ee dowladda katirsan, waxa ayna shirar hoose ay yeesheen Madaxweynaha iyo kooxdiisa go’aamiyeen in xubnahan meesha ka saaraan.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheenayo in isku shaandheyn lagu sameeyo Xukuumadda , waxaana meesha ka bixi doono Wasiiradda Daljir ay ugu horreeyaan Xasan Macalin , Axmed Fiqi iyo Abshir Bukhaari, kuwaa oo lagu beddelayo xubno kale oo Damul Jadiid daacad u ah.
Urur Siyaasadeedka Daljir uu hoggaamiyo Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Xasan Macallin , ayaa qeyb ka ah Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo, waxa ayna kooxdan dowladda kusoo galeen codadkii ee Madaxweynaha siiyeen xilligii uu doorashada ku guuleesanayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com