Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo war kasoo saartay Dagaalka Raaskabnooni iyo sida uu ku bilowday

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa looga hadlay dagaal saakay duleedka deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose ku dhax maray ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Gaashaandhigga warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay uu bilowday kaddib markii ciidamo katirsan maamulka Jubbaland weerar kusoo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidanka xogga dalka iyo kuwa Haramcad.

Warka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga  si gaar ah ula socoto qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Al Shabaab, taas oo la sheegay in ay keentay in ay Al Shabaab oggolaadaan in ciidanka Axmed Madoobe dhax maraan , si ay weerar ugu qaadaan Raaskanbooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo Wargelin cusub oo Muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay in beri ay tahay Maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Caydiid Ali

Yaa Xaq u leh oo hoggaaminaya Galmudug (Ma Aqlabiyad Mise Muran Badni)?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---