Allbanaadir.com
NEWS

Xabsi cusub oo loogu tala galay in lagu xiri haweenka oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa xalay si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab.

Qeybtan cusub ee xarigga laga jaray ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka Muqdisho degan ee danbiyada gala, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir .

“Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xidho lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.

Related posts

Boqolaal dhalinyaro ah oo lagu xirxiray xabsiyada Magaalada Jigjiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Siciid Deni oo isabadal ku sameeyay taliyaal Ciidan iyo Sababaha keenay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xue Bing iyo Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---