Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo duqeymo culus ku wada keydka hubka ee dalka Suuriya

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadday saldhig maraakiibta badda ee Suuriya, taas oo qayb ka ah dadaallada ay ku doonayso in ay ku baabi’iso hubka Suuriya ee ay ka cabsi qabto inuu gacanto u galo kooxaha jihaad doonka ah.

War kasoo baxay Milatariga maamulka Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen diyaarado helikobteris ah, nidaamyada difaaca hawada iyo taangiyo.

IDF ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradahooda dagaalku ay fuliyeen in ka badan 350 duqeymo cirka ah oo ay la beegsadeen bartilmaameedyada guud ee Suuriya, halka ay ciidamada dhulka u dhaqaaqeen aagga ka caagan militariga ee u dhexeeya Suuriya iyo buuraha Golan ee la haysto.

Wasiirka difaaca Israa’iil Katz, ayaa sheegay in weeraradii ay qaadeen ay guulo waaweyn ka gaareen.Waxa uu uga digay fallaagada Islaamiga ah ee xukunka ka tuurtay Bashaar Al-asad in dalkiisa uusan marnaba ogolaan doonin in dad uu ugu yeeray argagixiso ay u hanjabaan Israa’iiliyiinta. Mr Katz ayaa hadalkan ka sheegay saldhigga ciidamada badda ee Haifa oo uu booqasho ku tagay.

Related posts

Maraykanka & Taliban oo Wadahadal toos ah isku soo hor fariistay

Caydiid Ali

Maxkamad amartay in lasoo xiro Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya

Cabdi Cade

Fadeexad dunida ka fajacisay oo ka taagan dalka Equatorial Guinea

Caydiid Ali
Taboola Ads ---