Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland oo qarxay

Wararka ka imaanaya deegaanka Raasjanbooni ee gobolka Jubbada Hoose , ayaa sheegaya in duleedka deegaankaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda halkaasi geysay iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidamada Jubbaland ku dhawaadeen aagga ay joogaam ciidanka dowladda, waxaana la sheegay in labada dhinac uu dhax marayo dagaal culus.

Waxaa adag in la helo faah faahino badan oo la xariira dagaalka ka dhax qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, isgaarsiinta ayaana laga jaray aagga uu dagaalka ka qarxay.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ku aaran dagaalka qarxay oo kasoo kala baxay dhinaca dowladda iyo maanulka Jubbaland, waxa uuna dagaalkan imaanayaa xilli meeshii ugu xumeyd marayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbakand.

Related posts

Nin hooyadiisa u dilay si uu xogta faraheeda ugu adeegsado in uu lacag kala baxo Akoonkeeda!

Cabdi Cade

UK oo liiska argagxisada ka saareysa Mucaaradka qabsaday Siiriya

Caydiid Ali

Xildhibaan sheegay in Farmaajo uu yahay deeqsi Itoobiya Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---