Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa kasoo dukaamaystay suuq casri ah oo kuyaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa dhiirigaliyay ganacsiyada waa weyn ee dadka ree Jubaland ay ku maalgashanayaan deegaankooda, waxa uuna dadka hantida heesta ugu baaqay in maalgashi ku sameeyaan deegaannadooda.
Axmed Madoobe oo xilligan wajahaya cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la arag muddooyinkan isaga oo tagaya goobaha shacabka , gaar ahaan suuqyada iyo goobaha la isugu yimaado.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii saddexaad oo xiriir lagu doortay magaalada Kismaayo, waxaana doorashadiisa waxbo kama jiraan ku tilmaantay dowladda Federaalka, oo hadda wada qorshayaal meesha looga saarayo Axmed Madoobe.