Allbanaadir.com
NEWS

Dowlado Carbeed oo cambaareeyay xadgudubyo cusub oo Israa’iil ku kacday

Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay ku diidan yihiin qabsashada la sheegay in Israa’iil ay ku qabsatay aagga difaaca ee Suuriya ee buuraleyda Golan ee la haysto.

Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Masar, Qatar iyo Sacuudiga ayaa sheegay in tallaabada Israa’iil ay xad gudub ku tahay madaxbannaanida Suuriya, sharciga caalamiga ah, iyo heshiiskii calaamdeynta ee la saxiixay 1974-kii – kaas oo Israa’iil ay sheegtay in uu burburay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii sheegay inay u arkaan wax aan la aqbali karin in Israa’iil ay “ka faa’iidaysato” xaaladda hadda ka jirta Suuriya.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ilo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegtay in ciidamada Israa’iil ay ku sii siqayaan magaalada Dimishiq.

Iyadoo sarkaal ka tirsan milatariga Israa’iil uu markii hore beeniyay sheegashadaas, haddana ciidamada difaaca Israa’iil waxay markii dambe qirteen in ciidamadoodu ay ka howlgali karaan meelo ka baxsan aagga gmilateriga ka caagan ee Golan Heights.

IDF waxay si adag u beenisay inay ku soo wajahan tahay caasimadda Suuriya, waxayna taasi ku tilmaantay “war been abuur ah”.

Ka dib markii la riday nidaamka Bashaar Al-asad, Israa’iil waxay u dhaqaaqday aagga difaaca, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in 1974-kii heshiiskii xadeynta Suuriya uu “burburay” maadaama fallaagdu la wareegeen dalka.

Related posts

Faah faahino labo qarax oo Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Soomaaliya oo talaabo muhiim ah u qaaday dacwada Badda iyo Kenya oo..

Caydiid Ali

Doorashada Afar kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka oo maanta dhaceysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---