Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado Milatari oo maanta ka degay degmo uu heysan jiray Axmed Madoobe

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta ka degay xero milatari oo kutaalla degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxa ayna diyaaradahan wadeen saanad ciidan iyo agabyo kale oo ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradaha maanta ka degay degmada Baledxaawo ayaa ah labo diyaaradood, waxaana diyaaradahaan la sheegay in ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ,kuwaa halkaasi u aaday abaabul .

Degmada Baladxaawo waxaa horey maamulkiisa gacanta ugu hayay maamulka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , hasa ahaatee waxaa hadda degmadaasi maamulkeeda inta badan la wareegay ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale maamul dowladda hoostaga.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland , ayaa dhawaan tagay degmada Baladxaawo halkaas uu kula kulmay masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi sidoo kale ku sugnaa masuuliyiin iyo ciidamo katirsan maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa si tartiib tartiib ah ula wareegeysa deegaanno iyo degmooyin hoostaga maamulka Jubbaland, waxa ayna dowladda Federaalka xoogga saareysaa sidii ay talada uga tuuri laheyd maamulka Jubbland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Q/Midoobay oo ka hadashay dayuurada ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay sarkaal ka tirsan Al shabaab

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo ansixiyey sharcigii ugu horeeyey ee ay yeelato Hey’adda NISA (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---