Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay dood heer keedu sareeyo oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika iyo aqoon yahano ku xeel-dheer arrimaha dhaqaalaha.
Dooddaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha deymaha iyo sidii maalgalin u heli lahaayeen dalalka gobolka, xili maalinkii 2-aad uu soconayo shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa la wadaagay ka qeyb galayaashii doodda iyo dhageystayaashii madasha fadhiyay waayo-aragnimada dowladda Soomaaliya ee waddadii deyn cafinta, xilli ay sare u kaceen dalalka deymaha lagu leeyahay ee qaaradda Afrika , ku waas oo qaar kood hada ku guda jira dariiqii ay Dowladda Soomaaliya ee martay ee hannaanka loo yaqaano HIPC.
Doodda oo su’aalo muhiim ah lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay habkii ay dowladda Soomaaliya uga go’neyd ka gudbidda dhammaan shuruudihii la hor dhigay iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee sare u qaadidda dakhliga gudaha, dib-u-habeynta hey’adaha Maaliyadda, nidaamka hufnaanta iyo Maamul-Wanaagga Maaliyadda, ku waas oo ahaa mudnaanta koowaad ee Wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha kale Dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com