Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday Madaale midna cusubna magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay caqabad weyn oo dalka soo wajahday (Sawirro)

Cabdi Cade

Marwo Monica Juma Goorma Ayay Qaladaadkeedii Hore Wax Ka Baran ?

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---