Allbanaadir.com
NEWS

Lugatoor oo furay shir arrin saameyn leh looga hadlayo

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay Shirweynaha  wadatashiga horumarinta siyaasadaha Shirkadaha wadaaga ah iyo Dowladda gaar ahaan Shirkadaha Biyaha, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda waxaa si cilmiyeeysan loogu soo bandhigay siyaasadda Biyaha ee Dowladda Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradu, waxaana si gaar ah looga hadlay sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo adeega biyaha ee deegaannada Puntland, gaar ahaan shirkadaha biyaha ee wadaaga ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la horumariyo siyaasadda  Biyaha, si dadka reer Puntland u helaan Biyo ku filan, isagoo xusay in aan lagu ekaanayn biyaha oo keliya, balse sidoo kalena ay muhim tahay in la horumariyo adeegyada kale ee bulshada wax soo saarka u leh sida Korontada , Beeraha iyo Kalluumeysiga.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalnay Masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Hanti-dhowraha guud ee Dowladda Puntland, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Dowladda Puntland, Shirkadaha Biyaha iyo Hay’adaha ku shaqo leh iyo lataliyeyaal.

Wadatashiga siyaasadda Biyaha waxaa uu socon doonaa muddo labo maalmood ah, iyadoo loo diyaarinayo in loo gudbiyo Goleyaasha Dowladda si ay uga doodaan.

Related posts

Deni oo kormeeray dhismaha Mashruuc weyn oo ka socda Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaafka Taliye Odawaa iyo Jen. Biixi oo gaaray meel adag iyo Farmaajo oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---