Dayuuradaha waawayn ee Ruushka nooca An-124, ayaa ka degaya saldhigga Ciidammada Cirka ee uu Ruushku ku leeyahay Khmeimim dalka Syria. Waxay u egtahay, inuu ka laalaabanayo Syria
OSINTtechnical bogga ay ku leedahay X, ayaa warkan lagu daabacay. The War Zone bogga uu ku leeyahay X, ayaa sidoo kale laga dheehan karaa qoraal la mid ah.
Sadex ka mid ah dayuuradaha xamuulka ee IL-76 iyo hal dayuurad oo AN-124 ayaa ka soo degay saldhigga
Ciidammada Cirka Ruushka ee ku sugan saldhiga Khmeimim oo badda Mediterranean kulaalaya dhinaca Syria. Waxay la socdaan, in Mucaaradku qabsaday Dimishiq taxadar badan bayna muujinayaan inkastoo aysan jirin halis kuv wajahan
Saldhigga Ciidammada Badda Ruushku ku leeyahay Tartus, Â Syria ayaa waxaa u yaalla 5 markab-dagaal iyo hal gujis – submarine oo kuwa Nuclear-ka qaada ah.
Maraakiibta waxaa ku jira laba markab oo kala ah Admiral Gorshkov-sawaariikhda qaada iyo Admiral Grigorovich-class oo maraakiibta kale caawiya.
Xataa haddii ay ka guranayaan Syria, ma haystaan waqti ku filan..
Ciidamo ka badan 600,000 kun ayaa la sheegay inay lagaga dilay ama lagaga dhaawacay Ukraine. Putin wuu ogyahay, dhibaatadii uu ka gaystay Syria iyo bambooyinkii uu la dhici jiray Xalab, Xums iyo Xama ama kumannaankii Sunniga ee uu halkaa ku laayey.
Saldhiggan Ciidammada Cirka ee Khmeimim, waxaa yaalla dayuuradaha casriga ah sida Su-35S Flankers, Su-34 Fullback ee bambooyinka rida iyo gantaallada S-400 iyo Pantsir-S1. Hubkan ayuu ku ilaashan jiray gobolka Bariga-dhexe haddiiba danihiisa qilqiil la galiyo.
Russia waxay saldhiggan dhigatay raadaarrada casriga ah iyo qalabka casriga ah ee technology-yadda dagaalka lagu galo – electronic warfare [EW] equipment.
Baaxadda ay qaadi karaan dayuuradaha soo degaya ee Il-76 iyo An-124 ayaa aad u badan. Il-76 waxay qaaddaa 50 tons culays ah, halka An-124 ay qaadi karto 150 tons culays ah. An-124 waa dayuurada ugu wayn ee qaadi karta culaabta ugu culus dunida.