Allbanaadir.com
NEWS

UK oo liiska argagxisada ka saareysa Mucaaradka qabsaday Siiriya

Britain ayaa sheegtay inay ka fiirsaneyso inay liiska ururada argagixisada ka saarto kooxda mucaaradka HTS oo ah mid ka mid ah kooxihii hogaaminayay afgambiga dowladdii Assad.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Pat McFadden ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanku uu ku xirnaan doono ficillada kooxda, laakiin waxa uu qiray in hoggaamiyahooda (Abu Mohammed al-Jawlaani) uu sheegayo waxyaabaha saxda ah ee ku saabsan ilaalinta dadka laga tirada badan yahay iyo in la ixtiraamo xuquuqda dadka.

Mucaaradka la wareegay talada Siiriya ayaa shaaciyey balanqaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin ilaalinta dadka laga tirade badan ee shiicada calawiyiinta ah ee uu ka tirsanaa Madaxweynihii xukunka laga tuuray Asad kuwaasoo dalkaas xukumayey muddo 53 sano ka badan.

Waxay sidoo kale balanqaadeen iney ku dhaqmi doonaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta deris wanaaga, cadaalada iyo sinaanta shacabka dalka Siiriya, waxaana arrimahaas si weyn u soo dhoweeeyey dalalka caalamka oo ka cabsi qabay iney dalkaas ka dhacaan falal aargoosi ah.

Related posts

Isbaheysiga cusub ee Axmed Madoobe & Deni muxuu ka badali doonaa Shirka Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey !!

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Boosaaso & Madaxweyne Deni oo ku gacan seyray..

Caydiid Ali

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo Hambalyo iyo Baaq wada socda diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---