Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas & Israel oo qarka u saaran heshiis xabad joojin ah

Ilo-wareedyo ka tirsan kooxaha Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Gaza ayaa sheegay  Xamaas ay u sheegtay inay ururiyaan xogta la haystayaasha ay haystaan si ay ugu diyaar garoobaan heshiis xabbad-joojin ah iyo sii-daynta la haystayaasha oo ay la galaan Israel.

Xamaas ayaa u sheegtay qaybo ay ka mid yihiin kooxda Islamic Jihaad ah ee Falastiin, Popular Front iyo Popular Resistance Committees inay diyaariyaan macluumaadka la xiriira la-haystayaasha sida in ay nool yihiin iyo inay dhinteen.

Intii lagu guda jiray weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil Oktoobar 7, 2023, Xamaas iyo xulafadeeda ayaa maxaabiis ahaan u qabsaday 251 qof.

Guud ahaan 96 ayaa ku haray Gaza, oo ay ku jiraan 34 ka mid ah ciidamada Israel oo la xaqiijiyay inay dhinteen.

Xabad joojin hal toddobaad ah oo dhacay November 2023 ayaa dad badan oo la haystayaal ah ayaa lagu beddeshay maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil, laakiin wixii markaas ka dambeeyay wada-xaajoodyadu waa ay ku guul-darreysteen inay horumar sameeyaan.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa Sabtidii sheegay inay dib u cusboonaysiiyeen “xoojinta” xabbad-joojin iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha ka dib doorashadii Donald Trump.

Ilo-wareed ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhowaanahan ay jireen “xiriirro” la xoojiyay oo u dhexeeyay Xamaas iyo dhex-dhexaadiyayaasha Qatar, Masar, iyo Turkiga, waxayna kooxdu filaysaa in wareeg cusub oo wadahadal ah oo ka dhici doona Qaahira “uu bilaaban doono maalmaha soo socda.”

Weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar ayaa sababay dhimashada 1,208 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa tirada rasmiga ah ee Israa’iil, waxaana uu dhaliyay dagaalka Gaza.

Weerarka aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa Gaza ku dilay 44,708 qof, kuwaas oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas oo ay Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo.

Related posts

Xildhibaanno badan oo kasoo jeeda Puntland oo War xasaasi ah soo saaray

Cabdi Cade

Weerar hubeysan oo lagu qaaday Shirkad milatari oo Israa’iil leedahay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray Rooble & Mucaaradka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---