Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali lagu xayiray Sudan iyaga oo tahriib ahaa oo dalka lagu soo celiyay (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo uu hoggaaminayo Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si guul leh u suuragelisay dib-u-celinta 22 muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xiray Suudaan, kadib markii lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay socdaal sharci-darro ah sameeyaan. Shaqsiyaadkaasi oo ka kooban 17 wiil dhalinyaro ah iyo 5 hablood dhalinyaro ah, ayaa muddo saddex bilood ah lagu hayay xabsiyada Dongola iyo Gadaref.

Dhamaan 22 qof ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ku ilaalinayso xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, isla markaana lagu la dagaallamayo tahriibinta bani’aadamka.

Hawlgalkan guusha leh waxaa lagu gaaray dadaallada gaarka ah ee Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Socdaalka, Danjire Mariam Yassin, Agaasimaha Waaxda Qurba-joogta, Mudane Ibrahim Mohamud Guure; Guddoomiyaha Haweenka Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Jowhar Barqab; iyo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Marwo Safiya Xasan Maxamed.

Related posts

Deni oo kar-karinaya qorshe qarsoon oo ugu dambeyn muddo kororsi horseedaya

Caydiid Ali

Somaliland: “Xabad joojintii aan xalay shaacinay waxay ka socon weyday dhinaca kale”

Caydiid Ali

Xildhibaano Xasaanada looga qaaday Fadeexad weyn oo Qatar ku lug leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---