Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa maanta darajooyin dalacsiin ah u xeray qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar kadib markii uu Dalacsiiyay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud.
Taliyaha Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar Jeneraal Maxmed Cali Carabow , ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho dalacsiinta saraakiisha maanta dalacday ee darajada loo xiray kuwaas oo door muhiim ah ku leh hogaaminta taliska.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ,ayaa tilmaamay in Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, Bilicda Caasimadda, ka hortaga Maandooriyaha iyo Anshax xumada, asigoona xusay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta iyo tayeynta Ciidanka.
Duqo Muqdisho ayaa aad loo hadal hayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Muu go’aansaday in uu xilka ka qaado, waxaana masuuliyiinta iyo saraakiisha dowladda marka xilka laga qaadi rabo ka shaqeeyaan in la dallacsiiyo xubnaha aadka ugu dhaw dhaw una badan qabiilkooda.