Allbanaadir.com
NEWS

John Mahama oo mar kale loo doortay Madaxweyne kana adkaaday xisbigs NPP

Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama ayaa guul soo laabasho oo taariikhi ah ka gaaray doorashadii Axadda ka dib markii cod-bixiyeyaashu ay u muuqdeen kuwo ku ciqaabaya xisbiga talada haya ee New Patriotic Party sida uu u mamulay dhaqaale xumida dalka.

Madaxweyne ku xigeenka xisbiga NPP Mahamudu Bawumia ayaa Axaddan qirtay guuldaradii ka soo gaartay doorashadii madaxtinimo ee dhamaadka toddobaadka ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay wax ka qabtaan niyad jabka baahsan ee ka dhashay qiimaha sare ee nolosha.

Guuldaradii ka soo gaartay doorashadii Sabtidii ayaa soo afjartay sideed sano oo uu xukunka hayay xisbiga NPP ee uu madaxweynaha ka ahaa Nana Akufo-Addo, ee dalka ku yaala galbeedka Afrika oo soo wajahday dhaqaala xumadii ugu xumayd muddo sanado ah, sicir barar sare, iyo deyn bixin.

Mahama, oo ahaa madaxweynihii 2012-2017, waxay u ahayd isku daygii saddexaad ee uu ku doonayo in uu dib ugu soo ceshado jagada ugu sarreysa qaranka ka dib markii uu hoos u dhacay doorashooyinkii 2016 iyo 2020.

“Dadka Ghana way hadleen, dadku waxay u codeeyeen isbedel xilligan, waanan ku ixtiraamaynaa,” Bawumia ayaa hadlakaasi ku sheegay shir jaraa’id isagoo ay garab taagnaayeen mas’uuliyiinta xisbiga.

Taageerayaasha Mahama ayaa durba ku damaashaaday bannaanka xarunta ololaha xisbiga ee caasimadda Accra, iyagoo yeerinaya hoonka baabuurta, islamarkaana lulaya calamo.

Related posts

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha oo maanta la magacaabo iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade

Qarax dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Masjid kuyaala magaalada Mubi

Cabdi Cade

Xiliga Ciidamada Itoobiya bilaabayaan iney ka baxaan xadka Eritreya oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---