TV-ga Chanel-1 ee Ruushka oo soo xiganaya Masuuliyiinta Madaxtooyada Ruushka ayaa sheegay in Madaxweynihii Siiriya Bashaar asad uu gaaray Magaalada Moscow .
Madaxweynaha Xilka laga tuuray waxaa la socda Xaaskiisa iyo Xubno kale oo Qoyskiisa ka mid ah .
Masuuliyiinta aqalka Kremnlin ayaa sheegay inay madaxweyne Bashar Asad Siiyeen magangelyo Siyaasadeed oo dhamaystiran .
Warka ay shaacisay madaxtooyada ruushku wuxuu meesha ka saarayaa warar sheegayey in Bishaar asad uu ku dhintay shil diyaaradeed, ka dib markii la waayey dayuurad uu la socday.
Sida wararku sheegayaan Sababta raadarka looga waayey au aheyd markii ay dansatay signalka lagu aqoonsado dayuurada hawada ku jirta.