Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira Bishar Al-Asad uu ku dhintay shil dayuuradeed?

Labo ilo wareed oo Suuriyaan ah ayaa u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee Reuters inay jirto suurtagalnimo aad u sareysa oo la xiriirta in Madaxweyne Bashar al-Assad uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka magaalada Homs xalay.

Wararka ayaa tilmaamaya in diyaarad uu saarnaa laga yaabo inay ku dhacday rasaas lagu riday xilli ay ka duulaysay magaalada Dimishiq.

Shabakada dabagalka duulimaadyada ee Flights Radar ayaa sheegtay in dayuurad xalay ka duushay Dimishiq taasoo loo malaynayo inuu la socday bashar Al asad ay u jiheysatay gobolka xeebta balse ay si lama filaan ah ugu jiheysatay dhinac kale.

Shabakada ayaa sheegtay in dayuuradaas markii ay ka weecatay jihadii ay ku socotay la waayey signalkeeda, waxayna arintan sii xoojisay shakiga laga qabo in Asad uu ku dhintay shil dayuradeed.

Sababta keentay dhaq-dhaqaaqa degdegga ah iyo maqnaanshaha diyaaradda lama xaqiijin karo ilaa iyo hadda, waxaana arrintan lagu tilmaamay mid weli qarsoodi ah. Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Suuriya ama ilaha kale oo xaqiijinaya warkan, balse warbaahinta caalamiga ah ayaa ku mashquulsan baaritaanka dhacdadan.

Dhinaca kale Sida ay ku warrantay saaka shabakadda Axios  — Bashaar Al-assad ayaa ku sugan saldhigga ciidanka Ruushka ee Hamimim oo ku yaalla koonfur-bari Suuriya, isagoo isku diyaarinaya sidii uu u gaari lahaa Moscow, halkaa oo toddobaad ka hor uu geeyay qoyskiisa.

Illaa hadda ma jiraan warar xaqiijinaya nolosha iyo Geerida Madaxweyne Asad oo ka cararay Dimishiq ka dib markii ay ku soo dhowaadeen xoogaga mucaaradka ee xukunka ka tuuray.

 

 

Related posts

Aas balaaran oo maanta loo sameeyay Taliyihii booliiska Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxkamadeynta dad ajaaniib ah oo ka bilaabaneysa Muqdisho & kiis culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Booliiska Jarmalka oo qabtay nin looga shakiyay in uu geesan rabay Weerar Kiimiko

Cabdi Cade
Taboola Ads ---