Magaciisa saxda ah Waa Axmed Xuseen Alshaarac oo loo yaqaan Abuu Maxamed Al-Jowlani, Sidoo kale waxa uu caan ku yahay ( Al-Faatix’).
Waa hoggaamiyaha mucaaradka sunniyiinta ah ee lagu magacaabo Xayaat Taxriiru Al-Shaam ee qabsaday talada dalka Siiriya Al-Jowlaani waa 42-sanno jir, ku dhashay Riyaad Sacuudi Carabiga Sanadkii 1982, (aabihii ayaa markaa injineer ka ahaa dalka Sacuudiga Carabia.
Sida uu sheegay Abuu Maxamed, magaca Jowlaani waxaa uu tilmaamayaa dhulka buuraleyda ah ee Golan Heights, dhulkaas oo awowgii laga soo bari kiciyey 1967-kii, Markii israa’iil qabsatey. Abuu Maxamed waxa uu ku barbaaray Magaalada Dimishiq, halkaasoo uu ku qaatey waxbarashadiisa aas-aasiga ah, Aabihii Xuseen Alshaarac waxa uu ahaa nin si weyn u aaminsan qadiyadda carabnimada, taasi waxa ay ku dhalisay inuu iskaga gudbo Suurya iyo dalalka Ciraaq, Jordan illaa Sacuudi Carabiya.
Sanadkii 2000, Al-Jowlaani waxaa ku dhashey fikirka Jihaadiga ah, waxa uu aad ula dhacsanaa kacdoonkii 2’aad ee Falastiiniyiin (Intifaadah) waxana uu naceyb daran u qaadey israa’iil oo si balaa arxan ah u xasuuqeysay shacabka falastiiniyiinta, Sidoo kale waxa uu aad uga careysnaa dulmiga garabsiinta reer galbeed ee Israa’iil.
Bishii March Sanadkii 2003 waxa uu aaday Ciraaq si uu qeyb uga noqdo difaaca Ciraaq ee duulaankii Mareykanku hoggaaminayey. Dagaalka ka dib Al-Jowlaani waxa uu ku biiray kooxda la oran jirey Dowladda islaamiga ah ee Ciraaq oo markii danbe Al-qaacida ku biirtey, waxana uu noqda sarkaal firfircoon, 2006 Mareykanka ayaa ku xirey Ciraaq, Shan (5) sanno ka dib 2011 ayuu ka soo baxay xabsiga.
Bishii Maarso 2011 markii uu bilowdey kacdoonkii ka dhanka ahaa hoggaanka Suuriya, waxaa Al-Jowlaani u muuqatey fursad uu dalkiisa uga sameyn karo Jabhad islaami ah, isla Sanadkaa waxa uu la kulma oo beyco (Heshiis) la’ gala Abuubakar Al-baqdaadi oo ahaa hoggaamiyaha Al-qaacido ee Ciraaq, Jowlani iyo Al-baqdaadi waxay ku heshiiyeen in dalka Suuriya laga dhiso xukun islaami ah.
Bishii Janaayo 2012 Al-Jowlaani waxa uu aas-aasay Jabhadda Al-Nusraa oo uu ka noqdey Amiir-guud, Bishii December 2012 waaxda arimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dartey liiska argagaxisada. Sidoo kale Mareykanka ayaa 2017 madaxiisa dul-dhigey Adduun lacageed oo dhan 10-milyan oo dollar, Sanadkii 2013 Al-Jowlaani waxa uu diida inuu qeyb la noqdo ururka daacish. Bishii Oktoobar 2015 waxaa la sheegaa inuu amray in Ciidankiisu weeraro tuulooyinka ay deggan-yihiin dadka Calawiyiinta ah ee uu ka dhashey Bishaar Al’Asad islamarkaana si weyn utaageersanaa nidaamka Al-Asad.
Juyl 28, 2016 farriin Cod ah oo uu soo dirty Al-Jowlaani waxa uu ku sheega in labedelay magacii ururkiisa asaga oo ubedelay Jamhadda Fatax Al-sham, waxa kale oo uu sheega in Javhaddiisa cusubi aysan wax xiriir ah la laheyn cid dibada ah, taasoo lagu macneeyey in Al-Jowlaani iyo ururkiisuba ay ka go’een kooxda Al-qaacida, Mar kale 2017 waxa uu magaca Jabhaddiisa u bedelay Xayaat Taxriiru Al-Shaam oo illaa maanta loo yaqaan.
Abuu Maxamed Al-Al-Jowlaani waxa uu ka badbaaday Dagaalkii Ruushku ku qaadey kooxaha mucaaradka, waxa la sheegaa mar dhaawac yari soo gaarey in lagu daweeyey gudaha dalka Turkiga, Lixdii (6) Sanno ee u danbeysay Jowlaani waxa uu bilaabay inuu u xuubsiibto hoggaamiye Qunyar socod ah, fallanqeeyaasha dagaalka Suuriya ayaa aaminsan in isbedelka Abuu Maxamed Al-Jowlaani ay ka shaqeeyeen sirdoonka Turkey ee MiT.
2020 wixii ka danbeeyey Al-Jowlaani waxa uu bilaaba inuu dhiso dowlad uu Suldaan u yahay oo ka talisa dhulkii uu maamulayey, dhulka uu ka taliyey waxa uu amray inaan lagu dhaqin xukun adag (Sida kooxaha islaamiyiinta ah) iyo inaan dadka lakala soocin, waxa kale oo uu dhista Quwad ciidan oo xoog leh, illaa uu dhisey qeyb gaar ah oo ku shaqo leh diyaaradaha daroonta ee dagaalka loo adeegsado.
Bishii April 2023 Al-Jowlaani ayaa howgal gaar ah ku diley hoggaamiyihii ururka Daacish oo lagu magacaabi jirey Abuu Xuseyn (Al-xuseyni), Sidoo kale isla maalinkaa waxa uu Jowlaani qabta Afhayeenkii ururka Daacish oo lagu magacaabi jirey Abuu Cumar Al-mahaajir, Jowlaani ayaa Sirdoonka Turkey ku wareejiyey Afhayeenkii Daacish Al-Muhaajir.
Maalintii Arbacada dhamaadka bishii hore waxa uu bilaaba dagaal adag oo uu ku ekeeyey magaalooyinkii iyo saldhigyadii ciidan ee maamulka Bishaar Al’Asad, asaga oo guul lama filaan ah ka gaarey dagaalka, markii uu dagaalka bilaabey waxa kale oo Al-Jowlaani uu maleeshiyaadkiisa ugu baaqa inaan la taaban Ciidanka Al-Asad iyo maleeshiyaadka taabacsan haddii ay isa soo dhiibaan, waxa kale oo uu amray inaan kala sooci karin dadka ayada oo loo eegayo diimaha iyo firqooyinka ay ka tirsan yihiin, Awaamiirtaa oo u fushey sidii uu ku baaqey.
Go’aanada kale ee dunia sida weyn u soo jiitey ee uu qaadey Axmed Xuseen Al-Shaarac waxaa ka mid ahaa inuu hoggaamiyaal ka tirsan kaniisado uu u doortey inay ka mid noqdaan maamulkiisa.
Axmed Xuseen Al-Shaarac (Abuu Maxamed Al-Jowlaani) waxa uu hadda doonayaa inuu hoggaanka u qabto dalka Suuriya, waxa uu maalmihii iyo sanadihii la soo dhaafey muujinaya inuu yahay nin furfuran oo isku wadi kara dhammaan kooxaha iyo shucubta kala duwan ee Siirya.
Abdiweli Sulub Adem