Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo 48 saac u qabatay ciidanka DF ee Raaskamboni

Maamulka Jubbaland ayaa 48 saacadood u qabtay ciidamada Dowlada Somalua ay geysay degaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland Aaden Axmed Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in 48 saac gudahood ay Deegaanka Raaskaambooni kaga baxaan ciidankaas.

Aaden Axmed Xaaji ayaa xusay in Jubbaland ay ku filan tahay iney sugto amniga degaanada hoos yimaada ciidamada laga soo daabulay Muqdishona ay wadaan falal khal khal gelin ah.

“Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka oo ka hadlayey shir ka dhacay magaalada Kismaayo.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka ayaa ku soo aadaya xili shalay dayuurado sida boqolaal askari iyo qalab milateri ay dowlada Somalia ka dejisay degaanka Raaskambooni oo horey u joogeen ciidamo oo dhowaan DF ay halkaas geystay.

Dhaqdhaqaaqa ciidan iyo hanjabaada hawada la isku marinayo ayaa laga cabsi qabaa inuu isku bedelo dagaal dhexmara ciidamada DF iyo kuwa daacada u ah Axmed Madoobe, iyadoo dowladu isku dayeyso iney kala furfurto hogaanka Axmed Madoobe.

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tagay Safaarada Soomaaliya ee Doha (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ku biiray shirka u socda Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Amiir ka tirsan dowlada Qadar oo la dhigay Xabsi ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---