Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan ka tirsan Gorgor oo tababar loogu xiray Turkiga (Sawirro)

Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa ayaa waxay tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xireen magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandoska Gorgor ee Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Al-shabaab iyo difaaca Qarannimada.

Turkiga ayaa sanad walba kumanaan askari u tababara dowlada Somalia kuwaasoo iskugu jira Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Gorgor ee Kumandoska Somalia.

Related posts

Boqolaal ka tirsan Xuutiyiinta Yemen oo saacado gudahood duqeymo lagu laayey

Caydiid Ali

Jeneraal Odawaa oo Sabab u noqday in Ciidanka Huwanta ka baxaan Deegaanka Wabxo

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo si rasmi ah ugu wareejiyay qorshe qoran Oumar Sylla (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---