Allbanaadir.com
NEWS

Ma dhab baa in Madaxweyne Asad uu ka baxay Siiriya?

Shabakadda CNN, ayaa ku warrantay inaysan jirin wax ilaalo ah oo ku sugan madaxtooyadda Suuriya ee Dimishiq, taasoo muujinaysa meel kasta oo la qiyaasi karo oo gudaha Dimishiq ah inuusan joogin Bashar Al-assad.

Warkan wuxuu sare u qaadayaa, wararka la xiriira inuu Assad ka baxay magaalada Dimishiq oo deegaannada ku hareeraysan  ku suganyihiin mucaaradka.

Saraakiisha Iran ayaa ku gacan seyray wararka sheegaya in madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad uu dalka ka baxsaday.

“Wararka sheegaya in Asad iyo qoyskiisa ay ka baxeen Suuriya run maaha,” ayuu yiri Yaqoub Rezazadeh, oo xubin ka ah guddiga amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka Iran ayaa yiri Sabtidii, sida uu sheegay Press TV oo ay leedahay dowladda Iran.

Ciidanka militariga Suuriya ee nidaamka Assad, ayaa lagu warramaya inay iska siibayaan tuutihii militariga, iyagoo isku-daraya shacabka, sida laga arkay muuqaallada la baahiyay.

Ciidanka nidaamka Assad ayaa sidoo kale lagu warramaya inay isaga baxeen Magaalada Douma oo ku taal baadiyaha Dimishiq, iyadoo magaaladan ay ka mid ahayd goobihii uu Bashaar Al-assad u adeegsaday hub Kimiko ah.

Shabakadda Al Sharqia Post, ayaa ku warrantay in ciidanka militariga ee nidaamka Assad ay faarujiyeen xaruntii guud ee ciidanka cirka iyo taliskii cirka ee Dimishiq, waxayna ka tageen kaliya tiro yar oo ilaalo ah.

Ciidanka nidaamka Bashaar Al-assad ayaa isaga baxay deegaanka Harasta oo ay ku yaallan xaafadaha waqooyi-bari ee caasimadda Dimishiq, iyadoo markiiba laga maqlay masaajida Harasta takbiir looga falcelinayo bixitaanka ciidanka Bashaar Al-assad.

Degaanka Arbin oo ka tirsan koonfurta Dimishiq, dadweynaha ayaa la wareegay xaruntii taliska ciidanka, halkaasoo la arkay boqollaal dad ah oo  jeex-jeexaya sawirka Bashaar Al-Assad.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ee ay hoggaamiso kooxda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay, waxaa lagu sheegay in ay waajib ku tahay ilaalinta hay’adaha dawladda, ururrada caalamiga ah iyo xafiisyada Qaramada Midoobay, iyadoo muuqaal uu la wadaagay ciidanka mucaaradka hoggaamiyaha mucaaradka, Abu Mohammad al-Jolani uu u sheegay dagaalyahannada inay ilaaliyaan ciidanka Booliiska iyo xarumaha hay’adaha dawladda , isagoo ku sheegaya  in dib loo howlgalinayo mar kasta oo ay qabsadaan magaalooyinka ama deegaannada.

Afhayeenka dawladda Ciraaq, Basim Alawadi ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in labo kun oo askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Assad oo wata qalabkooda militari inay ka gudbeen xadka , oo ay gudaha u galeen Ciraaq, halkaa oo uu sheegay inay ku martigeliyeen ciidanka Ciraaq.

Waa tiradii u horreysay ee ka tirsan ciidanka nidaamka Assad oo ka baxaya Suuriya , tan oo laga yaabo inay waddo u furto ciidanka badan ee ka baxaya dhulka ay ku sugnaayeen, kuwaasoo u gudbi kara dalalka Ciraaq iyo Lubnaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Xorta ah ee Suuriya oo ay hoggaamiyaan saraakiil ka goostay nidaamka Bashaar Al-Assad ayaa ku guuleystay inay jabiyaan go’doomintii muddada 9-ka sanno ay ku jireen dadka la dejiyay xerada Rukban ee deegaanka Tanf ee ku taal xudduuda u dhexeysa Suuriya, Ciraaq iyo Jordan, iyadoo tan iyo waqtigaa loo diidday inay ka bixi karaan in ka badan 8 kun oo barakacayaal Suuriyaan ah si ay ugu laabtan guryahooda, sida uu baahiyay Syria TV.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo tababar u xiray guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar Cir iyo dhul ah oo saakay lagu qaaday deegaan Al Shabaab isku aruursanayeen

Cabdi Cade

Hogaamiye Kooxeedyo Casri ah oo lagu tilmaamay Madaxda maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---